Macluumaad ku saabsan doorashada golaha degmooyinka iyo gobollada ee 2025
Finland waxaa lagu qabanayaa doorashooyinka golaha degmooyinka iyo gobollada maalinka axadda 13.4.2025. Doorashooyinka golaha degmooyinka iyo gobollda waxaa afartii sanaba mar lagu soo doortaa xubnaha golaha degaanka ee dogmooyinka iyo xubnaha golaha degaanka ee aaggaga nololwanaagga (hyvinvointialue).
Dalka Finland waxaa loo qaybiyaa degmooyin, kuwaas oo sida dastuurku uu qabo (731/1999) leh is maamul. Degmadu waxaa ay mas’uul ka tahay hirgelinta adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah ee in badan oo dadweynaheeda ka mid ah. Awoodda ugu sarraysa ee go’aan gaarista degmada waxaa iska leh xubnaha golaha degaanka ee lagu soo doorto doorashada.
Waxaa sidoo kale uu dastuurku dhigayaa, in samaynta is maamulka aaggaga maamul ee ugu waawayn ee degmooyinka lagu qoro dastuurka. Sannadkii 2021-kii waxaa Finland laga aasaasay 21 aag ama degaan nololwanaageed leh is maamul u gaar ah, kuwaasoo la wareegaya mas’uuliyaddii degmooyinka ee daryeelka arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo sidoo kale diyaarinta hawlaha badbaadada. Awoodda ugu sarraysa ee go’aan gaarista aagagga ama degaanka nololwanaagga waxaa iska leh xubnaha golaha degaanka ee lagu so doorto doorashada.
Doorashada golaha degmooyinka iyo kuwa golaha gobollada lagama qabanqaabinaayo gobolka Ahvenanmaa. Dadweynaha ku nool magaalada Helsinki waxaa ay xaq u leeyihiin codbixinta doorashooyinka degaanka oo keliya, waayo Helsinki kama tirsana aagagga ama degaannada nololwanaagga midkoodna.
Xuquuqda codbixinta – yaa codayn kara?
Shardiga ku xiran xuquuqda codbixinta ee doorashada golaha degmooyinka waa in aad buuxisay da’da 18 sano ugu dambayn maalinka doorashada (13.4.2025).
Intaasi waxaa dheer oo shuruudaha ka mid ah, in aad Finland ku leedahay degaan sida soo socota:
- Muwaadiniinta u dhalatay dalka Finland ama mid kale oo ka mid ah dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub, Iceland amaba Norwey, waa in ay Finland ku leeyihiin degaan la diiwaangeliyay ugu dambayn 21.2.2025
- Muwaadiniinta u dhashay dalalka kale waa in degaankoodu uu ka diiwaangashan yahay Finland ugu yaraan muddo laba sano oo xiriir ah illaa iyo 21.2.2025.
Arrinka degaanka laga tirsan yahay waxaa lagu qeexay sida uu dhigaayo sharciga degaanka ee tirsigiisu yahay (210/1994). Degaanka laga tirsan yahay, sida caadiga ah waa degmada aad ku nooshahay.
Doorashada golayaasha gobollada iyo degmooyinka ee 2025, waxaad xaq u leedahay inaad ka codayso degmada iyo deegaanka ama aagga nololwanaagga ee degmadaas, ee u diiwaangashan nidaamka macluumaadka dadweynaha ee dagmadaada 21.2.2025 saacadda 24-ka saqda dhexe ee habeenkii.
Haddii aad doonayso waxaad macluumaadka degmooyinka ka hubin kartaa Xafiiska diiwaangelinta dadweynaha (Digi- ja väestötietovirasto).
Doorashada golaha degmooyinka waxaad u codayn kartaa musharraxa degmadaada oo keliya: doorashooyinka golaha degaanka ama aagga nololawanaagga waxaad u codayn kartaa oo keliya musharraxa aagga ama degaankaaga nololwanaagga.
Codbixinta doorashda ee dalkaan Finland waa mid ikhtiyaari ah.
Ogaysiiska ku saabsan xuquuqda codbixinta waxaa loo diraa dhammaan dadka leh xuquuqda codbixinta
Xafiiska dhijitaalka iyo diiwaangelinta dadweynaha ayaa xilliga doorashooyinka wuxuu sameeyaa diiwaanka xuquuqda codbixinta, kasoo ay ku jiraan dhammaan shakhsiyaadka iska leh xuquuqda codbixinta ee doorashada degmooyinka. Looma baahna in aad si gaar ah isaga diiwaangeliso diwaanka xuquuqda codbixinta.
Xafiiska dhijitaalka iyo diiwaangelinta dadweynaha wuxuu u diraaya wareglinta ku saabsan xuquuqda codbixinta dadka iska leh xuquuqda codbixinta ugu dambayn 20.3.2025. Wargelinta xuquuqda codbixinta waxaad ku heleysaa qaab iimeyl ama elektoroonig ahaan ah, haddii aad qaadatay isticmaalka adeegga farriimaha ee Suomi.fi (macluumaadka dheeraadka ah waxaad ka heleysaa cinwaanka www.suomi.fi/viestit).
Wargelinta xuquuqda codbixinta waxaa ay ka kooban tahay hagis ama tilmaanbixin ku saabsan sida loo codeeyo, liiska goobaha codbixinta ee u dhow meesha aad deggan tahay, iyo macluumaadka ku saabsan xuquuqdaada codbixinta. Uma baahnid in aad wargelinta xuquuqda codbixinta u sii qaadato goobta cod bixinta, waxaa kugu filan oo keliya caddaynta aqoonsiga shakhsiyadeed (kaarka aqoonsiga ama baasaboorka). Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon in aad qaadato caddaynta xuquuqda codbixinta haddii aad ka codaynayso xarumaha daryeelka ama dalka dibaddiisa.
U qalmidda doorashada – yaa noqon kara musharrax?
Waxaad u tartami kartaa musharrax ahaan doorashooyinka golaha degmooyinka haddii:
- aad deggan tahay degmada aad musharraxa ka noqonayso; iyo haddii
- aad xaq u leedahay codbixinta doorashooyinka golaha degmooyinka ee mid ka mid ah degmooyinka Finland.
Waxaad u tartami kartaa musharrax ahaan doorashadda golaha aagga ama degaanka nololwanaagga haddii:
- aad deggan tahay aagga ama degaanka nololwanaagga ee degmada aad musharraxa ka tahay; iyo
- aad xaq u leedahay codbixinta doorashada aagga ama degaanka nololwanaagga ee mid ka mid ah aagagga nololwanaagga.
Shaqaalaha dowladda ee xilalka waaweyn haya qaar ka mid ah aaggaga nololwanaaga iyo degmooyinka iyo sidoo kale mas’uuliyinta sare iyo shaqaalaha aagagga nololwanaagga ama degmooyinka ma tartami karaan doorashooyinka. Dadka maxkamaddu ay go’aamiso in aysan lahayn karti ama awood, ma noqon karaan musharraxiin.
Soo sharraxidda ama soo gudbinta muasharraxiinta
Doorashooyinka golaha degmooyinka iyo aagagga nololwanaagga, waxaa musharraxiinta soo magacaabi kara:
- xisbiyada diiwaangashan
- dadka xaqa u leh codbixinta, ee samaystay urur codbixiye (valitsijayhdistys).
Musharraxiinta doorashada golaha aagga nololwanaagga iyo musharraxiinta doorashada degmooyinka, si kala duwan ayaa loo soo gudbiyaa.
Xisbiyadu waxaa ay musharraxiintooda u go’aamiyaan ama u soo xulaan sida ku cad sharciyada ama xeerarka xisbiga. Haddii aad doonayso inaad noqoto musharrax xisbi, waa in aad arrinkaas heshiis kala gashaa xisbiga.
Marka la aasaasaayo urur codbixiye waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 10 qof oo xaq u leh in ay codbixiyaan doorashooyinka golaha degmooyinka, islamarkaana ka mid ah dadweynaha degmada. Degmooyinka ay deggan yihiin dadka aadka u tirada yar, aasaasidda urur codbixiye waxaa ku filan saddex ilaa shan qof oo dadweynaha ka mid ah.
Doorashada golaha aagga ama degaanka nololwanaagga waxaa aasaasida urur codbixye loo baahan yahay ugu yaraan 50 qof oo xaq u leh inay codbixiyaan, kuwaasoo ka tirsan isla aaggaas ama degaankaas nololwanaagga.
Codsiyada musharraxnimada waxaa loo gudbinayaa guddiga doorashada aaggaas ee ku shaqada leh doorashada aagga nololwanaagga iyo guddiga doorashada degmadaas ee ku shaqada leh doorashada golaha degmooyinka.
Musharrax kasta oo si rasmi ah loo oggolaaday wuxuu heli doonaa lambar musharrax oo u gaar ah. Haddii isla hal qof uu musharrax ka yahay doorashooyinka golaha degmooyinka iyo tan aagga nololwanaagga, waxaa uu leeyahay lamabarka musharraxnimada gaarka ah ee doorashada aagga nololwanaagga iyo lambarka musharraxnimada gaarka ah ee doorashooyinka golaha degmooyinka. Musharraxiinta waxaa laga soo diyaariyaa liiska musharraxiinta ee lagu soo daabaco warqadda ay ku qoran yihiin musharraxiinta oo dhan, waxaana liiska musharraxiinta loo soo qoraa sida ay lambar ahaanta u kala horreeyaan.
Liiska ay ku wada qoran yihiin musharraxiinta oo dhan waxaa la diyaarinayaa 13.3.2025. Waxaa laga fiirin karaa goobaha codbixinta iyo bogga internetka ee wasaaradda caddaaladda ee cinwaankiisu yahay (www.vaalit.fi).
Codbixinta
Waxaad codayn kartaa maalinka doorashada ee ah axadda 13.04.2025, ama xilliga codbixinta hore ee ka horraysa maalinkaas doorashada.
Waxaad iskumar ka codayn kartaa dhammaan goobaha codbixinta ee marka la qabanaayo doorashooyinka aagga nololwanaagga iyo doorashooyinka golaha degmooyinka. Haddii aad doonayso waxaad ka codayn kartaa mid ka mid ah kuwaas oo keliya. Dooorasho kasta waxaad codayn kartaa hal mar oo keliya.
Doorashada aagga nololwanaagga (Aluevaali) waxaa lagu codayn karaa warqadda ama tigidka codaynta ee midabkeedu yahay casaan-buluugga (violetti), doorashooyinka golaha degmooyinka waxaa lagu codayn karaa warqadda ama tigidka codaynta ee midabkeedu yahay caddaanka.
Codbixinta hore:
Codbixinta hore waxaa ay bilaabanaysaa arbacada 2.4.205.
Codbixinta hore waxaa ay dalka dibaddiisa ka joogsanaysaa sabtida 5.4.2025, dalka Finland gudihiisana waxaa ay ka joogsanaysaa talaada 8.4.2025.
Goobaha codbixinta hore waxaa laga yabaa in maalmahaas ay furan yihiin xilliyo kala duwan.
Waxaad ka codayn kartaa codbixinta hore goob kasta oo ka mid ah goobaha codbixinta hore ee guud, kuwaasoo ka jira dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Macluumaadka ku saabsan goobaha guud ee codbixinta hore, sida goobaha ay ku yaallaan iyo xilliyada ay furan yihiin, waxaad ka heleysaa tusaale ahaan lifaaqa warqadda ogaysiinta xuquuqda codbixinta ee laguu soo diray iyo bogga internetka ee www.vaali.fi.
Goobaha guud ee codbixinta hore ka sokow, waxaad codbixinta hore ka codayn kartaa xarumaha daryeelka ee la xaddiday, sida isbitaallada, waaxaha qaabilsan hawlaha arrimaha bulshada, xeryaha ciidamada iyo xabsiyada, ama maraakiibta ku sugan dalka Finland dibaddiisa. Xarumaha daryeelka waxaa ka codayn kara oo keliya dadka halkaas lagu daryeelaayo ama shakhsiyaadka loo oggolaaday in ay halkaas ka codeeyaan, maraakiibta waxaa ka codayn kara shaqaalaha markabka oo keliya.
Codbixiyaha ay ku adag tahay inuu aado goobta codbixinta ama uu arrinkaasi ku keenaayo dhibaato aad u badan, waxaa uu codbixinta hore ka codayn karaa gurigiisa. Waa in arrinka guri ka codaynta (kotiäänestys) loo soo gudbiyo gudiga dhexe ee doorashada ee dagmadaada, ugu dambayn 1.4.2024 ka hor saacadda 16.
Haddii aad xilliga doorashada oo dhan ama maalinka doorashada ku sugan tahay dalka dibaddiisa, waxaad dalka dibaddiisa uga soo codayn kartaa adigoo isticmaalaya dhanka boostada.
Si aad ugu codayso boostada, waa inaad macluumaadka codaynta boostada ee cinwaanka qofka diabadda ku maqan ka dalbataa adeegga dalabaadka ee wasaaradda caddaaladda (www.vaalit.fi/kirjeaanestys).
Codbixinta maalinka doorashada
Codbixinta maalinka doorashada waa axadda 13.4.2025, saacadda 9-20
Maalinka dooarashada waxaad ka codayn kartaa oo keliya goobta codaynta ee degmadaada, taasoo laguugu soo sheegay wargelinta xuquuqda codbixinta ee adiga laguu soo diray.
Hagista faahfaahsan ee ku saabsan sida loo codaynaayo waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan wargelinta xuquuqdaada codbixinta ee laguu soo diray, bogga www.vaalit.fi ama shaqaalaha doorashada ee goobaha codbixinta.
Macluumaadka dheeraadka ah
- Macluumaadka dheeraadka ah ee doorashada waxaa bixinaaya gudiga dhexe ee doorashada ee dagmadaada. Su’aalaha ku saabsan xuquuqda codbixinta ee shakhsi ahaaneed waxaa ka jawaabaaya xafiiska dhijitaalka iyo diiwaangelinta dadweynaha (Digi- ja väestötietovirasto). Halka lagala xiriiraayo labadoodaba waxaa ay ku qoran tahay warqadda ogaysiisnta xuquuqda codbixinta ee laguu soo diray
- Cinwaannada iyo xilliyada ay furan yihiin goobaha codbixinta hore, hagista ku saabsan sida loo dalbado codaynta boostada (kirjeäänestys), macluumaadka ku saabsan musharraxiinta iyo macluumaadka kale ee ku saabsan doorashada, waxaad ka heleysaa bogga internetka wasaaradda caddaaladda ee doorashada ee cinwaankiisu yahay www.vaalit.fi.