Doorashada Midowga Yurub (EU Vaalit) ee 2024

9.4.2024 15.54

Muwaadiniinta reer Yurub waxaa ay shantii sanaba mar doortaan 
xubnaha baarlamaanka Yurub. 

Dalkaan Finland waxaa baarlamaanka Yurub loo doortaa  
15 xubnood, kuwaasoo ah xildhibaannada baarlamaanka Yurub 
(meppi). 

Doorashada Midowga Yurub, oo ah doorashada  
baarlamaanka Yurub, iskumar ayaa laga qabanqaabiyaa 
dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.  
Ururka Midowga Yurub waxaa xubno ka ah 27 dal. 

Jadwalka doorashada ee sannadka 2024-ka ee dalkaan Finland waa sidan 
soo socota:   

  • Maalinka doorashada waa Axadda 9.6.2024. 
  • Codaynta hore ee dalka gudihiisa waa inta u dhaxaysa 29.5.–4.6.2024. 
  • Codaynta hore ee dalka dibaddiisa waa inta u dhaxaysa 29.5.– 1.6.2024. 

Hawlaha baarlamaanka Yurub 

Baarlamaanka Yurub waa baarlamaanka Midowga Yurub. 

Baarlamaanka Yurub wuxuu dejiyaa sharciyada, 
iyadoo uu weheliyo oo ay hawshaas islaqabtaan 
golaha Midowga Yurub. 
Goluhu wuxuu wakiil ka yahay  
dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. 

Baarlamaanka Yurub wuxuu ansixiyaa  
miisaaniyadda Midowga Yurub, iyadoo hawshaas  
uu ku weheliyo oo ay isla qabtaan Golaha Yurub. 

Baarlamaanka Yurub waxaa uu isha ku hayaa oo la socdaa, 
hawlaha guddiyada iyo hay’adaha Midowga Yurub. 

Yaa codayn kara? 

Waad codayn kartaa doorashada Midowga Yurub, haddii 

  • aad buuxisay da’da 18-ka sano ugu dambayn 9.6.2024, oo 
  • aad tahay qof haysta dhalashada Finland, ama 
  • aad tahay muwaadin u dhashay dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub, islamarkaana aad Finland gudaheeda iska diiwaangelisay xuquuqda codaynta ugu dambayn 21.3.2024. 

Yaad u codayn kartaa? 

Xisbiyada iyo ururrada codbixiyayaasha ayaa u soo sharraxi kara 
musharraxiinta ka qaybgalaaya doorashda Midowga Yurub. 
Musharraxu waa inuu ahaadaa Muwaadin Finish ah oo codka xaq u leh 
ama Muwaadin u dhashay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, 
kaasoo loo qaatay diiwaanka xaqa codeynta ee Finland. 

Musharraxiinta doorashada Midowga yurub waxaa ay ka sharaxan yihiin 
dalka oo dhan, Sidaas awgeed waxaad u codayn kartaa musharrax 
kasta. 

Musharrax walbaa wuxuu leeyahay lambarka musharraxnimada ee 
isaga u gaarka ah. 
Lambarrada musharraxiinta waxaa ay ka muuqdaan adeegga 
daabacaadda ee wasaaradda caddaaladda, goobaha codbixinta iyo 
xayndaabka ama qolka yar ee codbixinta.  

Macluumaadka ku saabsan musharraxa waxaad ka heleysaa, tusaale 
ahaan wargaysyada, telefishanka iyo internetka. 

Wargelinta xuquuqda codbixinta 

Haddii aad xaq u leedahay inaad codayso, waxaa  
guriga laguugu soo dirayaa warqad.  

Haddii aad qaadatay isticmaalka adeegga Suomi.fi,  
wargelinta xuquuqda codbixinta waxaad ku heleysaa  

qaab elegtoroonig ahaan ah. Faahfaahinta dheeraadka ah  
ee arrinkaas ku saabsan waxaad ka akhrisan kartaa cinwaanka 
internetka ee ah www.suomi.fi/viestit 

Waxaad kala dooran kataa, 
ma waxaad codaynaysaa maalinka doorashada  
ee ugu dambaysa, mise codbixinta hore ee doorashada. 
Haddii aad codaynayso maalinka doorashada, 
goobtaada codbixinta waxaad ka eegtaa warqadda  
wargelinta xuquuqda codbixinta ee laguu soo direy. 

Haddii aad hore u codaynayso, 
waxaad ka codayn kartaa meel kasta oo ka mid ah 
goobaha codbixinta. 
Wargelinta xuquuqda codbixinta waxaa la socda  
liis ay ku qoran yihiin goobaha codbixinta hore ee  
agagaarka xaafaddaada. 

Hore u sii qaado aqoonsigaaga shakhsiyadeed  
marka aad aadayso goobta codbixinta.  
Looma baahna inaad hore u sii qaadato wargelinta 
xuquuqda codbixinta marka aad u socoto goobta codbixinta. 

Ka codeynta guriga 

Haddii aad xanuunsan tahay oo awooddaada  
dhaqdhaqaaqa ama waxqbadku ay xaddidan tahay,  
ama ay kugu adag tahay inaad tagto goobta codbixinta  
oo aad hakaas ka codayso, gurigaaga ayaad  
ka codayn kartaa codbixinta hore ee doorashada. 

Iska diiwaangeli codeynta guriga ee gudiga dhexe  
ee doorashada ee dagmadaada, ugu dambayn  
28.5.2024 illaa iyo saacadda 16.  
Lambarka telefoonka waxaa uu ku yaallaa 
warqadda wargelinta xuquuqda codbixinta.  
Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan  
ka codaynta guriga waxaad weydiin kartaa  
gudiga dhexe ee doorashada. 

Sidan soo socota ayaa u codayn kartaa 
codbixinta hore ee doorashada 

Codbixinta hore ee doorashada Midowga Yurub,  
waxaad ka codayn kartaa meel kasta oo ka mid ah  
goobaha codbixinta doorashada. 

Codbixinta hore waxaa ay Finland ka dhacaysaa 29.5.–4.6.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay dalka dibaddiisa ka dhacaysaa 29.5.– 1.6.2024. 

Marka aad codbixinta doorashada u socoto  
waxaad hore u sii qaadataa aqoonsigaaga shakhsiyadeed,  
tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga,  
leysinka ama warqadda oggolaanshaha gaari wadista. 

Sidaan soo socta samee marka aad joogto goobta codbixinta hore: 

  1. Waxaad tustaa aqoonsigaaga shakhsiyadeed shaqaalaha ka mas’uulka ah doorashada. Qofka shaqaalaha ah ayaa hubinaaya aqoonsigaaga, waxaana uu ku siinayaa kaarka codeynta. 
  2. Waxaad aaddaa xeyndaabka ama qolka yar ee codbixinta. Waxaad kaarka codeynta si cad oo muuqata ugu qortaa lambarka musharraxa aad u codeyneyso. Wax kale ha ku qorin kaarka codbixinta.  Lambarrada musharrixiinta waxaad ka fiirin kartaa liiska musharrixiinta, kaasoo ku dhaggan gidaarka ama darbiga qolka yar ee codbixinta.  
  3. isku laab kaarka codbixinta, si aan qofna u arki karin lambarka aad ku qortay. 
  4. Waxaad dib ugu soo laabataa halka ay joogaan shaqaalaha doorashada. Wuxuu shaabbad ku dhufanayaa kaarka doorashada, wuxuuna ku siinayaa baqshad midabkeedu yahay bunni. 
  5. Kaarkii codbixinta ee la shaabbadeeyay waxaad ku riddaa baqshadda, dabadeedna  baqshadda xir, oo koollada iskula dhaji. 
  6. Shaqaalaha doorashada ayaa wuxuu kaa codsanayaa inaad saxiixdo foomka. Saxiixaas waxaad ku xaqiijinaysaa, inaad adigu tahay qofka buuxiyay kaarka codbixinta, dabadeedna loo shaabbadeeyay oo baqshadda dhexgeliyay, kuna xiray.  
  7. Ugu dambaynta shaqaalaha doorashada ayaa baqshaddii bunniga ahayd iyo foomka  wuxuu ku ridayaa baqshadda lagu diraayo. Shaqaalaha ayaa wuxuu koolleynayaa oo isku  xirayaa baqshadda jaallaha ah. Waxaana baqshadda loo dirayaa gudiga dhexe ee   doorashada ee dagmadaada. 

Sidan soo socota ayaad u codayn kartaa 
maalinka doorashada 

Maalinka doorashada waa axadda 9.6.2024. 

Maalinka doorashada waxaa ay goobaha codbixintu  
furan yihiin inta u dhexeysa saacadaha 9–20. 

Waxaad ka codeyn kartaa oo keliya goobta codbixnta ee  
ku qoran warqadda wargelinta xuquuqda codbixinta. 

Marka aad codbixinta doorashada u socoto waxaad hore  
u sii qaadataa aqoonsigaaga shakhsiyadeed,  
tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga,  
leysinka ama warqadda oggolaanshaha gaari wadista. 

Sidaan soo socota samee marka aad joogto goobta codbixinta hore: 

  1. Waxaad tustaa aqoonsigaaga shakhsiyadeed shaqaalaha ka mas’uulka ah doorashada. Qofka shaqaalaha ah ayaa magacaaga ka raadinaaya liiska doorashada, waxaana uu ku siinayaa kaarka codeynta.  
  2. Waxaad aaddaa xeyndaabka ama qolka yar ee codbixinta. Waxaad kaarka codeynta si cad oo muuqata ugu qortaa lambarka musharraxaaga ee aad u codeyneyso. Wax kale ha ku qorin kaarka codbixinta. Lambarrada musharraxiinta waxaad ka fiirin kartaa liiska musharraxiinta, kaasoo ku dhaggan gidaarka ama darbiga qolka yar ee codbixinta.  
  3. isku laab kaarka codbixinta, si aan qofna u arki karin lambarka aad ku qortay.  
  4. Waxaad dib ugu soo laabataa halka ay joogaan shaqaalaha doorashada. Wuxuu shaabbadaynaayaa kaarkii codbixinta. 
  5. Kaarka codbixita ee la shaabbadeeyay waxaad ku riddaa sanqduuqa codbixinta. 

Yaad ka heleysaa caawimaad? 

Shaqaalaha doorashada ee jooga goobta  
codbixinta ayaa ku caawinaaya, kuna siinaya  
wixii talo ama tilmaabixin ah ee aad u baahan tahay. 

Goobta codbixinta waxaa sidoo kale jooga  
caawiye arrimaha doorashada ah.  
Isaga ayaad caawimaad ahaan ugu yeeran  
kartaa qolka yar ee doorashada dhexdiisa,  
Haddii aadan adigu awoodin in aad lambarka  
musharraxa ku qorto kaarka codbixinta. 

Caawiyaha doorashada waxaa kuu noqon kara,  
qof aad adigu soo dooratay. 
Tusaale ahaan wuxuu noqon karaa ehelkaaga  
ama qaraabadaada. 
Caawiyaha doorashada ma noqon karo musharraxa  
doorashada ku jira ama qof ay musharraxa qaraabo yihiin. 

Caawiyaha doorashada cidna uma sheegi karo, 
qofka aad u codaysay. 

Sirta doorashada 

Qof walbaa isaga ayaa go’aan ka gaaraaya, 
inuu doonaayo inuu codeeyo iyo inkale,  
iyo cidda uu u codaynaayo. 

Sirta doorashada waxaa loola jeedaa, 
in aadan qofna u sheegin cidda aad u codaynayso. 

Sababtaas ah sirta doorashada ah awgeed,  
ayaad kaarka codbixinta ugu buuxinaysaa  
qolka yar ama xayndaabka doorashada dhexdiisa. 

Codee doorashada Midowga Yurub! 
Sidaas ayaad saamayn ugu yeelan kartaa,  
dadka baarlamaanka Yurub ku matalaaya  
ama wakiilka uga noqonaaya Finland  
shanta sano ee soo socota. 

Qoraalkaan oo ku qoran luqad aad u fudud,  
waxaa lagu sharraxayaa arrimaha ku saabsan codbixinta iyo 
doorashada Midowga Yurub ee sannadka 2024.  

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka kahrisataa cinwaannadan 
hoos ku qoran: 
vaalit.fi  
elections.europa.eu/fi  
selkokeskus.fi  

Wixii su’aalo ah ee ku saabsan doorashada iyo codbixinta,  
waxaad weydiin kartaa lambarka adeegga ee wasaaradda  
caddaaladda oo ah: 
0800 9 4770. 

Sidoo kale waxaad su’aashaada ku soo diri kartaa farriin dhanka 
WhatsApp-ka ah, lambarka telefoonka 050 438 8730.