Doorashada baarlamaanka ee 2023

10.1.2023 13.52

Doorashada baarlamaanka waxaa la qabtaa afartii sanaba mar. Muwaadiniinta Finnishka ah ayaa baarlamaanka u doorta 200 oo xildhibaan oo arrimaheenna naga dhexeeya go’aan ka gaaraya.

Shaqada baarlamaanka

Shaqada ugu muhiimsan ee baarlamaanku waa dejinta sharciga ay bulshadu ku dhaqanto.

Shaqada labaad ee baarlamaanka ee muhiimka ah waa in ay go’aamiyaan miisaaniyadda dhaqaale ee dowladda. Miisaaniyadda dhaqaalaha waxa lagu qoondeeyaa halka ay dowladdu lacagta ka helayso iyo waxa lacagtaas loo isticmaalayo. Golaha baarlamanku wuxuu sidoo kale kormeeraa qaabka ay dowladdu lacagta u isticmaasho. Golaha baarlamanka ayaa doorta raysul wasaaraha dowladda waxayna kormeeraan waxqabadka dowladda. Intaas oo dhan waxaa dheer, inay golaha baarlamanku go’aan ka qaataan ra’yiga dowladda Finland ee ku saabsan arrimo badan oo la xiriira Midowga Yurub.

Doorashada baarlamaanka ee sannadka 2023 waxaa la qabanayaa 
Axad 2.4.2022
Codbixinta hore waxay Finland ka dhacaysaa 22.-28.3.2023 dalalka dibadda waxay ka dhacaysaa 22.-25.3.2023.

Yaad caawimaad ka heleysaa?

Saraakiisha doorashada ayaa haddii loo baahdo talo iyo caawimaad kugu siinaya goobta codbixinta ee codbixinta hore iyo maalinta rasmiga ah ee doorashada.

Waxaa kale oo goobta codbixinta jooga caawiyaha doorashada. Waxaad caawiyaha ka codsan kartaa in uu kuu raaco qolka ama heeraarka codbixinta, haddii aadan adigu awoodin in aad warqadda codbixinta buuxiso. 

Caawiyaha arrimaha doorashada waxaa kuu noqon kara qof aad adigu keensatay, tusaale ahaan qof ehelkaaga ama qaraabadaada ah. Hase yeeshee caawiyuhu ma noqon karo qof murashax ah ama murashax qaraabadiisa ah.

Caawiyaha doorashadu cidna uma sheegi karo, qofka aad u codeysay.

Sirta doorashada

Qof kasta isaga ayaa iska leh go’aanka ah, in uu codeynayo iyo in kale, iyo qofka uu u codeynayaba.

Sirta doorashada waxaa loola jeedaa, in aadan ku qasbanayn inaad cid u sheegto qofka aad u codeyneyso. Sirtada doorashada darteed ayaad warqadda codbixinta ugu buuxinaysaa qolka codbixinta.

Yaa codeyn kara? 

Waad ka codayn kartaa doorashada baarlamaanka, haddii 

  • aad tahay muwaadin Finnish ah; iyo haddii
  • aad buuxisay 18 sano ugu dambeyn 2.4.2023.

Wargelinta xaqa codeynta waxaa loo soo dirayaa guriga

Haddii ad xaq u leedahay in aad codeyso, warqad ayaa guriga kuugu soo dhacaysa. Warqadda waxaa laguugu ogaysiinaya in aad xaq u leedahay in aad codeyso waxa kale oo kuugu qoran macluumaadka la xiriira goobta aad ka codeynayso maalinta doorashada. Waxaa kale oo la socda liiska goobaha ay ka dhacayso codbinta hore.

Waxaad heleysaa kaarka wargelinta oo elegtroonig ah, haddii aad isticmaasho adeegga farriinta ee ay bixiso Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, yacni farriimaha Suomi.fi (macluumaad dheeraad waxaa laga helayaa cinwaanka www.suomi.fi/viestit). Qasab ma ahan in aad goobta codbixinta u sii qaadato warqadda wargelinta xaqa codeynta, aqoonsigaada oo kaliya ayaa kugu filan.

Yaad u codeyn kartaa?

Finland waxa loo kala qaybiyay 13 deegaan doorasho. Deegaan doorasho kasta waxa ka sharaxan muurashaxiin u gaar ah. Waxaad u codeyn kartaa qofka murashaxa u ah golaha baarlamaanka ee deegaan doorashadaada ka sharaxan. Deegaan doorashadaada waxaa laguugu sheegayaa wargelinta xaqa codeynta. 

Lambarada murashixiinta deegaan doorashadaada waxaa lagu arki karaa goobaha codbixinta iyo qolalka codbixinta. Macluumaadyada ku saabsan murashaxiinta waxaad ka heleysaa tusaale ahaan jaraa’idyada, telefishinnada iyo internetka.

Ku codeynta guriga

Haddii aad jirrantahay ama ay aadista goobta codbixintu aad kuugu adagtahay, waxaad inta lagu jiro codbixinta hore ku codeyn kartaa gurigaada. 

Waa in aad guddiga dhexe ee doorashooyinka ee degmadaada u gudbisaa ugu dambeyn 21.3.2023, saacadda 16, in aad guriga ku codeynayso. Lambarka taleefanka ee guddigga dhexe wuxuu ku qoran yahay warqadda ogaysiinta xuquuqda codeynta ee laguu soo diray. Waxaa kale oo aad Guddiga dhexe ee doorashooyinka ka heleysaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan ku codeynta guriga.

Sidan ayaad horay ugu codeyn kartaa

Adiga ayaa dooran kara, in aad maalinta codbixinta codeynayso iyo in aad horay u sii codeynayso. Codaynta hore ee doorashada baarlamaanka waxaad ka codeyn kartaa meel kasta oo ka mid ah goobaha codeynta hore ee gudaha Finland ama dibadda.

Marka aad u socoto codbixinta waxaad horay u sii qaadataa aqoonsigaaga, tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga (teesare) ama leysinka baabuurta.

  1. Tus aqoonsigaaga sarkaalka doorashada. Sarkaalka ayaa hubinaya kaddibna ku siinaya warqadda codbixinta.
     
  2. Aad qolka codbixinta. Si cad ugu qor warqadda codbixinta lambarka murashaxa aad u codeynayso. Wax kale haku qorin warqadda codbixinta.
     
  3. Dhexda isaga laab warqadda codbixinta.
     
  4. Ku laabo sarkaalka doorashada. Shaabbad ayuu warqadda codbixinta ku dhuufanayaa kaddibna wuxuu ku siinayaa baqshadda doorashada oo uu midabkeedu bunni yahay. Geli warqadda codbixinta baqshadda kaddibna sharootee oo xir baqshadda.
     
  5. Sarkaalka doorashadu wuxuu kaa codsanayaa in aad foomka saxiixdo. Waxaad saxiixa ku caddaynaysaa, in aad adigu buuxisay warqadda codbixinta, shaabbad laguugu dhuftay kaddibna aad baqshadda ku xirtay. 
     
  6. Ugu dambeyn sarkaalka doorashada ayaa baqshadda doorashada iyo foomka ku xiraya baqshadda dirista ee jaallaha ah.

Sidan ayaad u codeynaysaa maalinta doorashada

Maalinta doorashada ee ah 2.4.2023 waxay goobaha codbixintu furan yihiin 9-20 saac.

Ka hubi warqadda ogeysiinta xuquuqda codeynta ee laguu soo diray goobta aad adigu ka codeyn karto. Waxaad maalinta doorashada ka codeyn kartaa oo kaliya goobta warqada ogeysiinta xuquuqda codaynta kuugu qoran. 

Marka aad u socoto codbixinta waxaad horay u sii qaadataa aqoonsigaaga, tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga (teesare) ama leysinka baabuurta.

  1. Tus aqoonsigaaga sarkaalka doorashada. Sarkaalka ayaa liiska doorashada ka hubinaya magacaada kaddib ku siinaya warqadda codbixinta.
     
  2. Aad qolka codbixinta. Si cad ugu qor warqadda codbixinta lambarka murashaxa aad u codeynayso. Wax kale haku qorin warqadda codbixinta.
     
  3. Dhexda isaga laab warqadda codbixinta.
     
  4. Ku laabo sarkaalka doorashada. Shaabbad ayuu warqadda codbixinta ku dhufanayaa.
     
  5. Ku rid warqaddaada codbixinta sanduuqa doorashada.

Ka codee doorashada baarlamaanka!

Macluumaad dheeraad ah oo doorashada ku saabsan:
vaalit.fi

Waxaad sidoo kale doorashooyinka iyo codbixinta wax ka weydiin kartaa lambarka adeegga wasaaradda caddaaladda ee ah 0800 9 4770.