Doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda ee 2024-ta

30.10.2023 11.59

Muwaadiniinta finishka ah waxaa ay ku doortaan madaxweynaha doorasho lixdii sanaba hal mar ah. Doorashada madaxweynaha waxaa dhici karta in ay noqoto laba codbixin.

Haddii mid ka mid ah musharrixiinta uu codeynta koowaad ku helo wax ka badan kala bar codadka la bixiyay, waxaa si toos ah loogu dooranayaa inuu yahay madaxweynaha dalka.

Haddii mid ka mid ah musharrixiinta uu ku heli waayo wareegga koowaad ee doorashada wax ka badan kala bar codadka la bixiyay, waxaa la qabanqaabinayaa wareegga labaad ee codbixinta doorashada madaxweynaha.

Wareegga labaad ee codeynta doorashada waxaa loo qabanqaabiyaa, labada musharrax ee helay codadkii ugu badnaa ee qaybta koowaad ee codbixinta doorashada.

Codbixinta koowaad:

Maalinka doorashada waa axadda 28.1.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay Finland ka dhacaysaa 17.–23.1.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay dalka dibaddiisa ka dhacaysaa 17.–20.1.2024.

Suuraggalnimada ah in la qabto codbixin labaad:

Maalinka doorashada waa axadda 11.2.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay Finland ka dhacaysaa 31.1.–6.2.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay dalka dibaddiisa ka dhacaysaa 31.1.–3.2.2024.

Shaqooyinka Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu hoggaamiyaa siyaasadda dibadda ee Finland, iyadoo ay dowladdu arrinkaas ku weheliso. 

Madaxweynuhu wuxuu ansixiyaa sharciyada, kuwaasoo ay soo ansixiyeen baarlamaanka Finland.

Madaxweynuhu wuxuu soo magaacaabaa Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada kale oo uu shaqooyinkooda u soo magacaabo.

Waxaa intaas dheer oo uu magacaabaa garsoorayaasha iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta waaweyn.

Wuxuu go’aamiyaa arrimaha ku saabsan dagaalka iyo nabadda. 
Si kastaba madaxweynuhu marka uu go’aamada gaaraayo, waxaa uu u baahan yahay oggolaanshaha baarlamaanka.

Yaa codayn kara?

Waad codeyn kartaa doorashada madaxweynaha,
• haddii aad tahay muwaadin finish ah iyo
• haddii aad buuxisay da’da 18-ka sano ugu dambayn 28.1.2024.

Yaad u codeyn kartaa?

Xisbiyada iyo ururrada codbixiyayaasha ayaa soo magacaabi kara musharrixiinta doorashada madaxweynaha.
Musharraxu waa inuu yahay qof asal ahaan muwaadin finish ah. 
Musharrixiinta madaxweynaha waxaa ay ka sharraxan yihiin dalka oo dhan,
sidaas awgeed waad u codeyn kartaa musharax kasta.

Musharrax walbaa wuxuu leeyahay lambarka musharraxnimada ee isaga u gaarka ah.
Lambararada musharrixiinta waxaa lagu soo bandhigaa oo ay ka muuqdaan, goobaha codbixinta iyo xeyndaabka ama qolka yar ee codbixinta.
Macluumaadka ku saabsan musharrixiinta waxaad ka heleysaa tusaale ahaan, wargaysyada, telefishannada iyo internetka.

Ogeysiinta ama wargelinta ku saabsan xuquuqda codbixinta

Haddii aad xaq u leedahay inaad codayso, 
waxaa guriga laguugu soo dirayaa waraaq.
Warqadda waxaa ku dhex jira laba ogyesiis ama wargelinood oo ku saabsan xuquuqda codbixinta.

Haddii aad qaadatay isticmaalka adeegga Suomi.fi, ogeysiinta xuquuqda codbixinta waxaad ku heleysaa qaab elegtoroonig ahaan ah. 
Suomi.fi waa adeegga xarunta digitaalka iyo diiwaangelinta dadweynaha.
Macluumaadka dheeraadka ah ee arrinkaas ku saabsan waxaad ak akhrisan kartaa cinwaanka ah www.suomi.fi/viestit.

Waxaad kala dooran kartaa, ma waxaad codaynaysaa maalinka doorashada ee ugu dambaysa mise codbixinta hore ee doorashada. 
Haddii aad codaynayso maalinka doorashada,
waxaad goobta codbixintaada ka fiirisaa warqadda ogeysiinta xuquuqda codbixinta.

Haddii aad codaynayso codbixinta hore ee doorashada, 
waxaad ka codayn kartaa meel kasta oo ka mid ah goobaha codbixinta doorashada.
Ogeysiiska xuquuqda codbixinta waxaa ku qoran liiska goobaha codbixinta ee agagaarka xaafaddaada.

Looma baahna inaad hore u sii qaadato ogeysiiska xuquuqda codbixinta marka aad u socoto goobta codbixinta, waxaa kugu filan inaad sidato wax caddaynaaya aqoonsigaaga shakhsiyadeed.

Ka codeynta guriga

Haddii aad xanuunsan tahay ama ay kugu adag tahay inaad tagto goobta codbixinta oo aad hakaas ka codayso, waxaad ka codayn kartaa codbixinta hore gurigaaga.
iska diiwaangeli codeynta guriga ee gudiga dhexe ee doorashada ee dagmadaada
Ugu dambayn 16.1.2024 illaa iyo saacadda 16. 
Lambarka telefoonka waxaa uu ku yaallaa warqadda ogeysiinta xuquuqda codbixinta. 

Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan ka codaynta guriga waxaad weydiin kartaa gudiga dhexe ee doorashada.
Haddii la qabanqaabinaayo codeynta labaad ee doorashada madaxweynaha, wargelinaatada ka codeynta guriga waa ay kuu shaqaynaysaa xittaa codbixinta labaad ee doorashada.

Qaabkan soo socda ayaa u codayn kartaa codbixinta hore ee doorashada

Codbixinta hore ee doorashada madaxweynaha, 
waxaad ka codayn kartaa meel kasta oo ka mid ah goobaha codbixinta doorashada.

Codbixinta hore waxaa ay Finland ka dhacaysaa 17.–23.1.2024. 
Codbixinta hore waxaa ay dalka dibaddiisa ka dhacaysaa 17.–20.1.2024.

Haddii doorashada madaxweynaha la qabanqaabinaayo wareegga labaad ee codbixinta, 
waxaad codeyn kartaa codbixinta hore ama maalinka doorashada.

Codbixinta hore ee doorashada labaad waxaa ay Finland ka dhacaysaa 31.1.–6.2.2024. 
Codbixinta hore ee doorashada labaad waxaa ay dalka dibaddiisa ka dhacaysaa 31.1.–3.2.2024.

Marka aad codbixinta doorashada u socoto waxaad hore u sii qaadataa aqoonsigaaga shakhsiyadeed, tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga, leysinka ama warqadda oggolaanshaha baabuur wadista.

Sidaan soo socta samee marka aad joogto goobta codbixinta hore:

1. Waxaad tustaa aqoonsigaaga shakhsiyadeed shaqaalaha ka mas’uulka ah doorashada.
Qofka shaqaalaha ah ayaa hubinaaya aqoonsigaaga, waxaana uu ku siinayaa kaarka codeynta.

2. Waxaad aaddaa xeyndaabka ama qolka yar ee codbixinta.
Waxaad kaarka codeynta si cad oo muuqata ugu qortaa lambarka musharraxaaga ee aad u codeyneyso.  Wax kale ha ku qorin kaarka codbixinta. 
Lambarrada musharrixiinta waxaad ka fiirin kartaa liiska musharrixiinta, kaasoo ku dhaggan gidaarka ama darbiga qolka yar ee codbixinta.

3. isku laab kaarka codbixinta, si aan qofna u arki karin lambarka aad ku qortay.

4. Waxaad dib ugu soo laabataa shaqaalaha doorashada.
Wuxuu shaabbad ku dhufanayaa kaarka doorashada, wuxuuna ku siinayaa baqshad midabkeedu yahay bunni.

5. Kaarkii codbixinta ee la shaabbadeeyay waxaad ku riddaa baqshadda, dabadeedna baqshadda xir oo koollada iskula dhaji.

6. Shaqaalaha doorashada ayaa wuxuu kaa codsanayaa inaad saxiixdo foomka.
Saxiixaas waxaad ku xaqiijinaysaa, inaad adigu tahay qofka buuxiyay kaarka codbixinta, dabadeedna loo shaabbadeeyay oo baqshadda dhexgeliyay kuna xiray. 

7. Ugu dambaynta shaqaalaha doorashada ayaa baqshaddii bunniga ahayd iyo foomka wuxuu ku ridayaa baqshadda lagu diraayo.
Shaqaalaha ayaa wuxuu kooleynayaa oo isku xirayaa baqshadda jaallaha ah.  Waxaana baqshadda loo dirayaa gudiga dhexe ee doorashada ee dagmadaada.

Sidan soo socta ayaad u codayn kartaa maalinka doorashada

Maalinka doorashada waa axadda 28.1.2024.

Suuraggalnimada codeynta labaad ee maalinka doorashada waa axadda 11.2.2024.

Maalinka doorashada waxaa ay goobaha codbixintu furan yihiin inta u dhexeysa saacadaha 9–20.

Waxaad ka codeyn karaa oo keliya goobta codbixnta ee ku qoran warqadda ogeysiinta xuquuqda codbixinta.

Marka aad codbixinta doorashada u socoto waxaad hore u sii qaadataa aqoonsigaaga shakhsiyadeed, tusaale ahaan baasaboor, kaarka aqoonsiga, leysinka ama warqadda oggolaanshaha baabuur wadista.

Sidaan soo socota samee marka aad joogto goobta codbixinta hore:

1. Waxaad tustaa aqoonsigaaga shakhsiyadeed shaqaalaha ka mas’uulka ah doorashada.
Qofka shaqaalaha ah ayaa hubinaaya aqoonsigaaga, waxaana uu ku siinayaa kaarka codeynta.

2. Waxaad aaddaa xeyndaabka ama qolka yar ee codbixinta.
Waxaad kaarka codeynta si cad oo muuqata ugu qortaa lambarka musharraxaaga ee aad u codeyneyso. Wax kale ha ku qorin kaarka codbixinta. Lambarrada musharrixiinta waxaad ka fiirin kartaa liiska musharrixinta, kaasoo ku dhaggan gidaarka ama darbiga qolka yar ee codbixinta. 

3. isku laab kaarka codbixinta, si aan qofna u arki karin lambarka aad ku qortay.

4. Waxaad dib ugu soo laabataa shaqaalaha doorashada.
Wuxuu shaabbadaynaayaa kaarkii codbixinta

5. Kaarka codbixita ee la shaabbadeeyay waxaad ku riddaa sanqduuqa codbixinta.
 

Yaad ka heleysaa caawimaad?

Shaqaalaha doorashada ee jooga goobta codbixinta ayaa ku caawinaaya, kuna siinaya wixii talo ama tilmaabixin ah ee aad u baahan tahay.

Goobta codbixinta waxaa sidoo kale jooga caawiye arrimaha doorashada ah. 
Isaga ayaad caawimaad ahaan ugu yeeran kartaa qolka yar ee doorashada dhexdiisa, 
Haddii aadan adigu awoodin in aad lambarka musharraxa ku qorto kaarka codbixinta.

Sidoo kale waxaa caawiyaha doorashada kuu noqon kara, qof aad adigu soo dooratay.
Tusaale ahaan wuxuu noqon karaa ehelkaaga ama qaraabadaada.
Caawiyaha doorashada ma noqon karo musharraxa doorashada ku jira ama qof ay musharraxa qaraabo yihiin.

Caawiyaha doorashada cidna uma sheegi karo,
qofka aad u codaysay.

Sirta doorashada

Qof walbaa isaga ayaa go’aan ka gaaraaya,
inuu doonaayo inuu codeeyo iyo inkale, iyo cidda uu u codaynaayo.
Sirta doorashada waxaa loola jeedaa,
in aadan qofna u sheegin cidda aad u codaynayso.
Sababtaas ah sirta doorashada ah awgeed, ayaad kaarka codbixinta ugu buuxinaysaa
 qolka yar ama xayndaabka doorashada dhexdiisa.

Codee doorashada madaxweynaha! Sidaas ayaad saamayn ugu yeelan kartaa,
qofka qabanaaya howlaha madaxweynaha lixda sano ee soo socota.

Warqaddaan waxaa iyadoo ku qoran luqad aad u fudud laguugu sheegaayaa 
arrimaha ku saabsan codbixinta iyo doorashada madaxweynaha ee 2024.

Macluumaadka dheeraadka ah ee arrinkaan ku saabsan waxaad ka heleysaa cinwaanka: www.vaalit.fi

Sidoo kale arrimaha ku saabsan codbixinta iyo doorashada waxaad weydiin kartaa, lambarka adeegga ee Wasaaradda caddaaladda  oo ah: 0800 9 4770.

Sidoo kale waxaad su’aashaada ku diri kartaa farriin dhanka WhatsApp-ka ah, lambarka telefoonka 050 438 8730.